News Archive

Gharri History

Gharri Experience



    Beesha Garre oo Maxkamad Islaami ah ka furatay Magaalada Muqdisho, kuna biirtay Golaha Maxkamadaha Islaamka Soomaaliyeed Khamiis, August 24, 2006(HOL): Maxkamaddan oo lagu magacaabo Nuurul-Islaam oo ay dhisatay Beesha Garre oo ka tirsan beelaha Soomaaliyeed ayaa maanta looga dhawaaqay Magaalada Muqdisho, waxaana xafladdii looga dhawaaqayay oo ka dhacday Degmada Hodan ka qeybgalay Culumaa'udiin, Oday Dhaqameedyo, Ganacsato, Siyaasiyiin, Haween iyo Dhalinyaro ku abtirsada Beesha Garre. 

     Furitaankii Xafladda lagu furayay Maxkamadda ayaa waxaa ka hadlay Oday Dhaqameedyo iyo Culumaa'udiin, kuwaasi oo muujinayay sida ay Beesha isugu raacday in ay sameysato Maxkamad Islaami ah oo ka qeybqaadata hirgelinta Shareecada Islaamka. 

    Suldaan C/llaahi Shiikh Cusmaan oo ka mid ah Oday dhaqameedyada Beesha Garre ayaa sheegay in Maxkamadda ay sameysteen ay ka howlgeli doonto deegaanada ay beesha Garre degto oo uu ka xusay Afgooye, Tooratoorow, Aw-dheegle, Qoryooley, Farsooley, Bur-god, Buullo-Fullaay, Ceel-Waaq Soomaaliya, wuxuuna ku booriyay Beesha Garre in ay dhexda u xirtaan sidii ay uga qeybqaadan lahaayeen sii adkeynta nuurka ay heleen dadka Soomaaliyeed. 

   Shiikh Aadan Xasan Xuseen iyo Shiikh Qaasim Shiikh Maxamed Nuur ayaa iyaguna ka hadlay madashii looga dhawaaqayay Maxkamadda Nuurul-Islaam, waxayna labaduba ku baaqeen in loo baahan yahay in ay Beesha Garre qaadato ku dhaqanka Shareecada Islaamka, isla markaana ay aasto haatan wixii ka dambeeyo ku dhaqankii caadooyinka iyo xeerka. 

   Shiikh Nuur Baaruud Gurxan oo ah Guddoomiye ku xigeenka Dalladda Culumada Soomaaliyeed oo xafladda lagu casuumay ayaa ugu hambalyeeyay Beesha Garre Maxkamadda ay ku dhawaaqatay, wuxuuna u rajeeyay in ay ku guuleystaan in ay Maxkamaddooda ku baahiyaan deegaanada ay degto Beesha. 

   Shiikh Nuur wuxuu qudbadiisa u sii dusiyay dhaliil uu u jeediyay Dowladda Federaalka Soomaaliyeed oo sida uu yiri muddo labo sanadood ah iyadoo aan waxba qaban haatan fadhida magaalada Baydhabo, "Niman baa dowladda loo soo dhisay Soomaaliya ay taladoodii dhaafi la'dahay in ay qaad ku cunaan Magaalada Baydhabo, kuwaasi waxaan dhihi karaa ma ahan kuwo wax ka qaban kara xaalka uu maanta dalka Soomaaliya ku sugan yahay, sidaas darteedna waxaan soo jeedinaa in Maxkamadaha Islaamka fursadda la siiyo"ayuu yiri Nuur Baaruud Gurxan. 

   Guddoomiyaha Maxkamadda maanta lagu dhawaaqay ee Nuurul-Islaam Shiikh Xasan Cusmaan Xuseen ayaa munaasabadda ka hadlay wuxuuna sheegay in Maxkamadda ay ku dhawaaqatay Beesha Garre ay tahay mid ku dhawaaqisteeda lagu taamayay ka hor Midowga Maxkamadaha Islaamka balse ay qadarta noqotay in maanta lagu dhawaaqo, wuxuuna carrabka ku adkeeyay in Maxkamaddu ka howlgeli doonto deegaanada ay beesha dhisatay degto. 

    Guddoomiyaha wuxuu ka codsaday xubnaha beesha meel kasta oo ay joogaan in ay taageero hiil iyo hooba leh la garab istaagaan Maxkamadda ay furteen, isagoo carrabka ku dhuftay in sidoo kale loo baahan yahay in lagu faro adeygo nimcada ay heleen ee ay u keeneen Maxkamadaha Islaamka. 

   Ugu dambeyntiina, Tan iyo markii ay Maxkamadaha Islaamka la wareegeen gacan ku heynta Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maalinba maalinta ka dambeysa la maqlayaa Beelaha Soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada Muqdisho oo sameysanaya Maxkamado Islaami ah, waxaana maanta ugu dambeeyay Maxkamadda Nuurul-Islaam oo degmada Hodan laga furay iyo Maxkamadda Al-Ansaar oo laga furay Degmada Madiina. Qore: Salaad Iidow           Source: Hiiraan Online

You are reader #Hit Counter